Saturday, July 2, 2011

Xukuumadda Somaliland ayaa maanta Dalka Kenya u qaadaysa Haweenay Nabada u Ololaysa oo lagu dhawaacay Laascoono

|

Xukuumadda oo Maanta Kenya u qaadaysa Marwadii lagu dhaawacay Laascaanood

Xukuumadda Somaliland ayaa maanta Dalka Kenya u qaadaysa Marwo Nadiifo maxamed Colu-joog oo ay koox dablay ah oo aan la Aqoonsano ku dhaawaceen habeen Hore Magaaladda Laascaanood ee Gobolka Sool.

Marwo Nadiifo waxa la filayaa maanta Madaarka Hargeysa inay ka qaado Diyaarad yar oo khaas ah oo ay leeyihiin Ciidamadda Sirdoonka Ingiriisku kuwaasoo xidhiidh wada shaqayneed la leh Ciidamadda Sirdoonka Somaliland maadaama Marwadani ay qabto dhaawac culus iyadoo hore ay Kooxda Dablayda ah ee dhaawacday ay u dishay Saygeedii oo ahaa Sarkaal ka tirsan Sirdoonka Somaliland.

Ilaa hada wax war ah lagama hayo kooxda Toogatay Haweenaydan oo ka tirsan Ururka Haweenka Qaranka hase yeeshee warar aan ilaa hada cadayn oo aanu ka helayno Ilo xogogaal ah ayaa sheegaya in la hayo warbixin ay soo siisay Ciidamadda Sirdoonka laba cishi ka hor intaan la toogan taasoo ay ku sheegayso in ay heshay xogo Iftiiminaya in la khaarajin doono.

Sida ay xogahaasi sheegayaana waxa ay carabaabtay inay ka danbeeyaan qorshahaasi Koox ay dabada ka wadaan Xildhibaano ka soo jeeda Gobolka Sool, kuwaasoo hore loogu Eedayn jiray inay qayb ka yihiin deganaansha la’aanta Laascaanood, waxaana la filayaa in talaabo cad laga qaadi doono xubnahaasi inkastoo ay adag tahay xal u helida Gobolkaasi.

No comments: