Monday, July 4, 2011

Cusbitaalka Guud ee Hargeysa oo Falal Tuugo ah oo Bukaan Jiifka lagu Xadaa ka dhex Dilaaceen iyo Adeegyadiisa Caafimaad oo laga dayriyay.


Monday, July 4th, 2011 
 

Cusbitaalka Guud ee Caasimada Hargeysa ayay ka dhex dilaacday tuugo fool xun oo lagu xado Bukaan socodka halkaasi dabiibk Caafimaad ugu jira.


Tuugadan oo ay sababtay baylah dhinaca waardiyayaasha  Cusbitaalka ah, ayaa la sheegay inay fuliyaan Tuug isugu jira rag iyo Haween qaarkood Cusbitaalkasi caafimaad ugu jiraan, kuwaasoo dadka Bukaan jiifka ah ka qaata Lacagt iyo waxyaabaha kale ee muhiimka ah sida Bustayaasha iyo dharka cusub ee loo keeno.

Falalkan Tuugada ah ee Cusbitaalka Hargeysa ka dhex dilaacday oo Wargeyska Waaheen  ay u xaqiijiyeen qaar ka mid ah Hawl wadeenada Cusbitaalka, Waardiyayaasha habeenkii ilaaliya meheradaha cisbitaalka u dhaw   iyo dad  si joogto ah  ugu xidhan Cusbitaalka oo ka cudur daartay in Maagacooda la shaaciyo, waxa la sheegay in ilaa toban qof oo dumar iyo rag  isugu jira oo tuug ahi ay macbiisheen dadka Cusbitaalka ku jira, iyaga oo dhawr qof ka xaday Lacag iyo alaabooyin kale oo muhiim ah oo uu ku jiro Dahab laba todobaad ka hor lagaga xaday haweenay ku jirtay Cusbitaalka, gaar ahaan qaybta Dhalmada Haweenka.
Sidoo kale waxa la sheegay in todobaadkii ugu dambeeyay Nin Tuug ah iyo Gabadh ka mid ah dadka ku jira qaybta dhimirka ee Cusbitaalka lagu qabtay iyaga oo u dhacaya qaybta Caruurta ee Cusbitaalka, kuwaasoo si caadi ah ugu garaacay albaabka Caruurtii halkaasi ku jirtay, isla markaana isku dayay inay mid ka mid ah ka qaataan Bustayaal iyo lacag  yar oo maalintaasi caruurta Hay’adi siisay oo loo qaybiyay.

Dadkan Wargeyska Waaheen  uga waramay falalkan foosha xun ee Cisbitaalka ka dhex dilaacay ayaa sheegay in dadka hawshan ku lug leh ay qaarkood Cusbitaalka u hoydaan, isla markaan wakhti hore ay hawlo caafimaad ugu jireen, iyad oo tuugadoodani fursad ka heshay dayac iyo baylah dhinaca ilaalada Cusbitaalka ah, waxaanay intaasi ku  dareen in xataa waxyaabo kale oo  fool xun cusbitaalka lala soo galo.

Cusbitaalka guud ee Hargeysa oo ka mid ah Hay’ada uu sameeyay Isbedelkii Siyaasadeed ee Dalka ka dhacay sanadka ka hor, waxa ay sheegayaan dadka ku xidhani inay xaaladiisu marayso meeshii ugu xumayd, gaar ahaan adeegyadii Caafimaad iyo waliba Maamulkiisuba.
Waxaana taasi loo aanaynayaa Xukuumadda oo ka gaabisay daba galka Maamulkiisa iyo Dhakhaatiirtii ka hawl geli jirtay oo is dhintay ama qaarkood shaqadii ka fadhiisteen.

No comments: