Monday, July 4, 2011

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo Xabsiga u taxaabay Tifatiraha Wargeyska Jamhuuriya oo ka qoray Dhisme uu Maayar Jiciir uga dhisayo xaruntiisa si aan loo qaban



Monday, July 4th, 2011
 
Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Xasan Axmed Aadan ayaa galabta xabsiga u taxaabay Tafatiraha Guud ee Wargeyska Jamhuuriya Maxamed Cumar Geeraare (Ciro) kadib markii uu wargeysku soo bandhigay Dhisme Maayar Jiciir uga dhisayo xaruntiisa oo aan Miisaaniyada Dawladda Hoose ku jirin si uu uga baxsado Eedo Musuq maasuq oo uu Hantidhawraha guud ku soo Oogay Xeer ilaalintana Amray inay soo qabato isaga iyo Ku-xigeenkiisa.

Sida uu Tafatiraha oo aanu ku booqnay Xarunta CID-da oo uu ku xidhan yahay noo sheegay waxa ay Ciidamo ka tirsan Boolisku oo hubaysani ku soo weerareen Xafiiska Wargeyska oo uu markaa ku sugnaa waxaanu yidhi “ galabta anoo xafiiska jooga oo shaqadii hayna ayay Ciidamo Booliis ah oo isugu jira dhar Cad iyo kuwo Hubaysani xafiiska iigu soo galeen, waxaanay ii dhiibeen Waaran ay ka soo goosteen Maxkamadda Gobolka Hargeysa kaasi oo ay ku qoran tahay Eedo uu Xeer ilaaliyaha Guud soo qortay markaa ana waan soo raacay sidaasaana la igu keenay xarunta CID-da” ayuu si kooban noo yidhi iyadoo ay intaa noo ogolaadeen Ciidamadii CID-da ahaa ee Ilaalinayay.

Talaabadan lagu xidhay Tafatiraha ayaa ah mid ka hor imanaysa Xeerka Saxaafadda Somaliland isla markaana waxay tahay mid ay masuuliyiinta Xukuumaddu marka warbaahintu wax ka sheegto ay awoodooda u adeegsanayaan si ay u cabudhiyaan.

Waa markii labaad ee ay saraakiil ka mid ah Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo kula kacaan talaabo tan la mid ah Tifatirayaasha Wargeysyada Madax-banaan ee ka soo baxo Somaliland iyagoo aan wax danbi ah oo ka baxsan Mihnadooda Suxufinimo galin taasoo ahayd in loo maro Nidaam Madani ah oo sharciga loo sinaado

No comments: