Sunday, July 3, 2011

Madaxweynaha JSL Oo Magacaabay Xilka Garyaqaanka Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland

Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud ( Siilaanyo ) waxa uu Magacaabay Garyaqaan Ibraahim Iidle Saleebaan inuu ahaado Garyaqaanka Guud ee Qaranka JSL, Kaas oo Buuxin doona Xilkan oo Muhiimad weyn u leh Qaranka.


Xilkan oo loo baahnaa inuu Xilli hore Dalku yeesho waxa maqnaanshihiisa u baahday Waajibaadka uu Xafiiskani fulin-doono oo dhan, oo ay ka mid tahay Faafinta Xeerar iyo  Shuruucda ay ansixiyaan Golayaasha Qaranku, Madaxweynuhuna Saxeexo oo aan hore u jirin.
Madaxweynuhu Waxa uu Digreetadaa ku yidhi:-

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,
Markuu Arkay:                     Qodobka 48aad ee Xeerka Nidaamka Garsoorka,
Markuu Aqoonsaday:          Baahida loo qabo buuxinta jagada Garyaqaanka Guud ee Qaranka,
Markuu Ka Fiirsaday:         Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo,
Markuu Ku Qancay:            In uu hanan karo xilkan loo magacaabay.

Wuxuu go’aansaday


In Mudane, Ibraahim Iidle Saleebaan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Garyaqaanka Guud ee Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA                         MAHAD                             LEH

Cabdillaahi Maxamed Daahir  ( Cukuse )
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

No comments: