Friday, July 1, 2011

Is-barbardhigga Saamiga Beelaha Bariga iyo Galbeedka Burco ku Leeyihiin Xukuumadda Silanayo

Rooble Maxamed Yuusuf, Hargeysa, Somaliland

Maqaalkaygan waxa bud-dhig u ah is-barbardhigga xilalka beelaha Bariga iyo Galbeedka Burco ka hayaan xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo. Inkasta oo aanan jeclyn in aan masuuliyiinta qaranka Somaliland u kala qaadqaado reero iyo qabiilooyin, haddana waxa igu kellifay qorista maqaalkan kooban, haddallo beryahan warbaahintu wadhfinaysay oo ku saabsanaa cabasho mid ka mid ah beelaha Gobolka Togdheer ku sheegan in madaxweyne Silaanyo sadbuursiimo xad-dhaaf beeshiisa ka siiyay xilalka muhiimka ee dawladdiisa, gaar ahaan gobollada bariga.

Haddaba, si xaqiiqadda iyo runta loo ogaado, waxaan halkan dadweynaha ugu soo bandhigaya shax muujinaysa tiradda masuuliyiinta sare xilalka ka haya xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee ka soo jeeda qaar ka mid ah beelaha dega galbeedka Burco ee Gbolka Togdheer, shaxdaasi oo baadhitaanno badan oo aan si iskay ah u sameeyey ku soo ogaaday, isla markaana ku xaqiijiyey inay saxtahay, aniga oo la kaashaday saaxiibbo muhiim ah oo aan dawladda ku leeyahay.

Waxaan si gaar ugu iftiimin doona shaxdan hoos ku qoran oo muujinaysa mansabyada muhiimka ee beelaha Galbeedka Burco ku leeyihiin xukuumadda Somaliland ee hadda talada haysa, isla markaana ku shaxayan qaab-goboleed waa tan hoose ku qoran:

Wasiirrada iyo Madaxda sare Xukuumadda
Garxajis: 38
Habar Awal: 43
Habar Jeclo: 23

Liiska masuuliyiinta ka soo kala jeeda galbeedka iyo bariga Burco ee xilalka ka haya Gobolka Togdheer

Habar Yoonis: 12 Sarkaal Gobolka
1. Wasaaradda Xanaanada Xoolaha
2. Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha
3. Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta
4. W. Dib-u-dejinta
5. W. Maaliyadda
6. W. Caddaladda
7. W. Diinta iyo Awqaafta
8. W. Hawlaha Guud
9. W. Waxbarashada
10. W. Qorshaynta
11. W. Gaashaandhigga
12. Wakaaladda Biyaha

Habar Jeclo: 7 Sarkaal Gobolka
1. W. Ciyaaraha
2. W. Caafimaadka
3. W. Duulista Hawada
4. W. Macdanta iyo Biyaha
5. W. Shaqada iyo Bulshada
6. W. Beeraha
7. W. Warfaafinta

Gobolka Sanaag
Habar Yoonis: 61 Sarakiisha Gobolladda
Habar Jeclo: 12 Sarakiisha Gobolladda
Harti: 12 Sarakiisha Gobolladda

No comments: