Saturday, June 18, 2011

War Degdega: Madaxwayne Siilaanyo Oo Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqay Furista Ururada Una Gudbiyay Barlamaanka

SOHIRA-Net (Harg) - Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxmuud Silanyo ayaa saaka Qudbad uu ka jeediyay Xaflad uu ku furayay Dhisme Cusub oo loo dhisay Golaha Wakiilada kaga dhawaaqay Furista Ururada, isagoo Madaxwaynuhu intaa ku daray in uu u gudbiyayay Golaha Wakiilada.

Madaxwayne silanyo ayaa hore Gudi ugu saaray ka soo talo-bixisa Furista Ururada Siyaasiga ah Gudidaas oo ku talisay in la furo Ururada una gudbiyay Go’aankooda Madaxwaynaha oo laga dhursugayay inuu si rasmi ah ugu dhawaaq.

U gudbinta Baarlamaanka uu Madaxwaynuhu u gudbiyay arrintan Furista Ururada ayaa ka turjumaysa in uu Madaxwaynuhu si rasmi ah ugu dhawaaqay taasoo ay Barlamaankuna ka gudan Doonaan Wajibaadkooda Dastuuriga ah.

No comments: