Monday, January 12, 2009

WARGALIN TARTAN SUUGAANEED

WARGALIN TARTAN SUUGAANEED

Dhalinyarada reer Somaliland ee hibada Eebe u siiyay hal-abuurka suugaanta gaar ahaan gabayada waxa Ururka Samaflka Bulshada UBAX uu ugu bushaaraynayaa in ay ka soo qayb galaan tartan suugaaneed noociisa kii ugu horeeyay ee lagu qabto guud ahaan dalka Somaliland.

Tartan suugaankan ayaa ujeedadiisu tahay in lagu abaaro dhibaatada bulsho ee ugu faca wayn dalkeena oo ah takoorka lagu hayb sooco ama faquuqo qaybo ka mid ah bulshada reer Somaliland gaar ahaan kuwa la hayb sooco (Gabooyaha, Tumaalaha iyo Yibraha.

Shuruudaha tartanka:

  1. Waa in uu Somalilander yahay;
  2. Da’da tartamayaashu waa in ay u dhaxaysaa 18 – 35 sano jir;
  3. Tartame kastaa waa in gabayga ama buraanburka uu/ay kaga qayb galayo/so tartanka ku keenaa cajalad cod saafi ah ku duuban;
  4. Mudada tartarnkani soconayaa waa 15/01/09 ilaa 15/02/09;
  5. Tartankani wuu u furan yahay wiilasha iyo gabdhaha labadaba;
  6. Gabayga/Buraanburka tartamahu waa in uu ku saabsanaadaa oo uu ka gar naqaa takoorka dhaqan ee u dhexeeya qaybaha bulshada ee la haysooco iyo kuwa haybsooca.

Tartamayaashu waxay ku soo hagaajin karaa cajaladaha oo gal afka ka xidhan ku jirta, kuna dul qoran yahay magaca tartamuhu xafiiska Ururka Samafalka Bulshada UBAX oo ku yaala dabaqa 2aad ee fooqa Baxsane oo dhinaca bari ka xiga National Hotel (Ex-Cinima) Qol # 111.

Wixii faahfaahin ah kala soo xidhiidh Gudoomiyaha UBAX Mr. Abdilahi Hassan Digaale Mobile Telephone: 44o4312. Xoghaynta UBAX Mr. C/rashiid Mob. Tel: 4403482

No comments: