Saturday, June 18, 2011

War Degdega:Madaxwayne Silanyo Oo Xilkii Ka Qaaday Gudoomiyihii Maxakamada Sare Iyo Isku Shaandhayn Lagu Sameeyay Garsoorka Dalka

Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxmuud Silanyo ayaa xilkii ka qaaday Gudoomiyihii Maxakamada Sare Maxamed Xirsi Oomane, waxa uu sidoo kale Madaxwaynuhu isku shaandhayn balaadhan ku sameeyay Garsoorkii Dalka.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa wakhti yar ka dib xidhitaanka Shirwaynihii Dib- u habaynta Garsoorka Somaliland taasoo uu Madaxwaynuhu ka jeediyay khudbad uu aad uga dayriyaya nidaamka Cadaalada Dalka kuna balan qaaday inay Xukuumadiisu si dhakhso ah wax uga qaban doonto

No comments: